Waxaan qabaa cabasho ku saabsan dhibaatooyinka Akhlaaqda Bulshada U daran ee meesha aan ku noolahay
Haddii ay tani tahay markii ugu horraysay ee aad taas ka soo warbixinayso, waxaad u bahaan doontaa in aad la hadasho sarkaalkaaga guryeynta isaga ayaana diiwaangelin doona dhammaan macluumaadka taas ku saabsan waxuuna kuu sheegi doonaa waxa aannu samayn karno.
Fadlan nuqul ka codso buugyarahayaga la yiraahdo "Dealing with Nuisance" (Waxkaqabashada Dhibaataynta) ama mid kala soo bax halkan.
Haddii aad hore ula hadashay sarkaalka guryeynta oo ay taasi tahay dhibaato hore u jirtay, waxaa laguu gudbin karaa kooxdayada takhasus u leh akhlaaqda bulshada u daran.
Fadlan ogsoonow tani waad soo sheegi kartaa akhlaaqda bulshada u daran saacadaha aanan la’ shaqeyn ee xafiisyadda ey xidhan yahiin ama Sabtiga iyo Axadaba adoo soo wacaya 0845 5436415. Tani telefoonka cawimaada ey waddaan Sitex/Orbis ayaga ee matalaya Chevin Housing Association.
Haddii cabashadu ay ku saabsan tahay kadeedista jinsiyadeed, ama dembi neceyb oo nooc kale ah, ama rabshadda guriga, dacwadda waxaa islamarkaaba loo gudbin doonaa, marka hore xubin ka mid ah kooxda Akhlaaqda Bulshada U Daran (Anti-Social Behaviour) ama haddii taasi ay dhici weydo maamulaha xaafadda ama sarkaalka guryeynta. Waxaannu leenahay siyaasad dhigaysa in aannu baaritaanka cabashooyinka noocaas ah ku bilaabi doonno hal maalin oo shaqo gudaheed.


