Waxaan rumeysanahay in jinsiyad ahaan la ii waxyeelleeyey, fadlan ma iga caawin kartaan?
Haddii dacwaddu ay tahay mid ka mid ah waxyeello jinsiyadeed, qaabab kale oo denbi nacayb, ama faraxumeyn gudaha ah, arrinka waa in si degdeg ah loogu diraa, loogu gudbiyaa, marka ugu horreysaba xubin ka tirsan kooxda Dhaqanka Bulshada Liddiga ku ah ama maamule xaafadeed ama sarkaal guriyeyn. Waxaan leennahay sharci sheegaya in aan baaritaanka dacwadaha noocaas ah ku billaabi doonno muddo hal maalin oo maalin shaqo ah.
Waxaan sidoo kale ixtiraamnaa wixii arrimo asturnaan ah oo laga yaabo inaad qabto. Haddii aad jeclaan lahayd inaad aragto nuqulka sharcigeenna Dhaqanka Bulshada Liddiga ku ah, fadlan la xiriir Kooxdeenna Adeegyada Macaamiisha kuwaasoo ku faraxsanaan doona iney kuu soo diraan nuqul - Telefoon 0845 270 1088. Waxaan diyaarin karnaa tas-hiilaad turjumid haddii aad u baahan tahay.
Fadlan codso nuqulka warqaddeenna qoran ee loo yaqaanno "Wax ka Qabashada Waxyeellada Jinsiyadda ku Dhisan ".
Waxaan sidoo kale ku siin karnaa ururro fara badan oo laga yaabo iney ku caawiyaan.


