Sidee ayaan u codsadaa guri kale u wareegid?
Fadlan weydiiso foomka guri kale u wareegidda. Fadlan buuxi foomkaas ka dibna annaga noo soo celi. Waan kula soo xiriiri doonnaa waxaanna kuu sheegi doonnaa marka uu gurigu bannaanaado. Haddii uu kiradaada qalad galay ama ay dacwad adiga kaa dhan ah jirto waxaa laga yaabaa inaan ka doonno in marka hore kuwaas la xalliyo ka hor inta aannaan foom kuu soo dirin.
Waxaan jeclaan lahaa inaan qof kale guriga kala beddelanno - sidee ayaan u sameeyaa?


