Waxaan jeclaan lahaa in lammaanahaygu uu ila soo dego - maxaan u baahanahay inaan sameeyo - kiradayda ma saameyn doontaa?
Kiradu waxay ku saleysan tahay guriga, sidaas awgeedna maya, ma kordhi doonto. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad qaadatid faa'iido waxaa laga yaabaa iney taas saameyso - waxaa la iskula taliyaa inaad hubiso waaxda Manfaca Guriyeynta ee Xukuumadda Xaafaddaada si aad u aragtid haddii Manfaca Guriyeynta la saameyn doono. Waa inaad nala soo xiriirto si aad noola socodsiiso in lammaanahaagii kula soo degayo iyo si aad noo siiso faahfaahintaada.


