Waxaan ka daahay bixinta kiradayda ee maxaa sameeyaa?
Haddii aad la tacaalaysid inaad iska bixiso lacagta kirada fadlan si toos ah noola soo xiriir oo weydiiso inaad la hadashid sarkaalkeenna guriyeynta. Iyaga ayaad markaas si qarsoodi ah ula hadli kartaa oo kala hadli kartaa sida aad u billaabi karaysid inaad arrinka wax uga qabataan.
Haddii aad deyn gashay ama aad ka welwelsan tahay lacag kale waxaad la xiriiri kartay hay'adda talobixinta muwaadiniinta - khadka caawinta deynta macaamiisha.


