Sideen ku codsadaa wareejinta? Ma’rabtaa in aad guurto
Hadii aad tahay midka mid ah kireystayaasheena aadna dooneysid in aad ku guurtid guri kale ee guryaha Chevin waxaad dalbankartaa wareejinta.
Marka anaga aan fekereyno codsigaagga ee wareejinta anaga waxaan eegeynaa sida adiga aad ula dhaqantay ijaarkaagga hada kuu socda iyo guriga aad degantahay xaaladiisu sida ey tahay. Sida aad ugu qalanto waa koontadaadda kirada waa in aanan waxba lagugu lahaayn, aadan taariiq hore u laheyn dabeecadaha ka soo horjeeda shacabka aadna deganeyd gurigaaga ugu yaraan 6 bilood. Teeda kale waxaa dheeraad ah gurigaagga waa in ow ahaado mid la’ waafaqi karo eyna aqbali karaan badanaaba kireystayaasheena.
Meesha waxaa jira waxyaaba badan markii ee laga reebo tan kore, faalo dheeraadka ah fadlan ka aqriso heshiiska dhaqankeena ee wareejinta. Turjumaanid waa la’heli karaa markii la’codsado.
Hadii aad dooneysid in laguuggu daro wareejinta fadlan la’xiriir kooxda macaamilka ee kala xiriir 0845 270 1088 ama e-mailka enquiries@chevinha.co.uk markaa ayaga ayaa kula xiriirin doona kooxda guryaha ee xaafadaadda. Waad ka hadli kartaa codsigaagga ee wareejinta ayaga ayaa kula buuxinaya foomka wareejinta inta aad kula hadleysid taleefanka waxey kuugu buuxinayaan kumbuyuutar. Shaqaalaheena way ku faraxsan yahiin in ey kugu soo celiyaan taleefanka si owsan adiga qarash kaaga bixin.


