Waa maxay ‘dhibcuhu' – sidee ayaa loo xisaabiyaa?
Waxaad heleysaa dhibco badan haddii aad baahi degdeg ah u qabto dib u guriyeyn. Waxaad sidoo kale heleysaa dhibco badan haddii hayso sabab wanaagsan oo caqligal ah oo ah in xaafad gaar ah guri lagaa siiyo.
Markaas dadka aan qabin baahi degdeg ah iyo sabab gaar u ah in xaafad gaar ah guri laga siiyo ma helayaan dhibco badan. Haddii labo codsade ay isla haystaan dhibco isku mid ah waxaan dooran doonnaa codsadaha taxanaha ku jiray waqtiga ugu dheer.
Haddii aad qabto baahiyo gaar ah sida baahiyo caafimaad oo daran, ka cararidda gacan ka hadal, waxyeelleyn ama aad u baahan tahay inaad taageero hesho markaas nala socodsii maadaama aan awoodno in aan tiro xaddidan oo guryo ah siinno xaaladaha gaarka ah.


