Miyaan awoodi doonaa inaan xayawaanka guriga ku haysto?
Taasi waxay dhab ahaantii ku xiran tahay nooca guriga aad codsanaysid - isla markaana taa waa in lagala hadlaa Sarkaalka Guriyeynta. Iyadoo ah sharci guud haddii ay jirto irrid dadka oo dhan ay ka soo wada galaan iyo beer nasasho oo dadka oo dhan u dhexeysa markaas xayawaaanka guriga looma oggola. Marka aad noqoto kireyste waxaad u baahan doontaa inaad oggolaansho ka hesho Sarkaalka Guriyeynta si aad u haysato xayawaan guri.




