Waxaan jeclaan lahaa inaan qof kale guriga kala beddelanno – sidee ayaan u sameeyaa?
Howl qabashadan waxaa la’dhahaa 'Is-dhaafsi Wadaagis ah' ('Mutual Exchange') Waa maxay is-dhaafsi wadaagis ah?
Is-dhaafsiga wadaagis ah waa markii kireystayaasha labo, sadex, afar ama ka badan ey isku bedelaan guryahii u kireysnaa taa darteed waa iyaga in ey isku kalsoonaadaan si qofkii aad is dhaafsateen guriga ugu guuro si rasmi ah. Ijaartayaasha isma dhaafsan karaan guri maran. Waa mas’uuliyada ijaartaha in ow raadsado qofka is-dhaafsiga ee u haboon. Tani sida loo sameysan karo waa adigoo iska diiwaangelinaya is-dhaafsiga hoyga (HomeSwapper). Dhag sii isku xirka hoyga is-dhaafsiga websideka (HomeSwapper).
Yaa codsankaro arjiga is-dhaafsiga wadaagista?
Kuli ijaartayaasha gudiga degaanka (council) iyo ururka degaanka (housing association) ee ijaarkoodu yahay ijaartayaashooda waa muddada ijaarka ee lugu kalsoonyahay (secure tenancies) ama muddada ijaarka ee hubinta laga bixiyay (assured tenancies) way soo qoran karaan arjiga gurigooda is-dhaafsigiisa. Laakiinse, marka uw yahay kireystaha heysta heshiiska ee waqtiga loo qabtay (leased) ama aadka ijaaratay guryaha biribaatiga ah ama (lanlood) looma ogola is-dhaafsiga.
Aniga waan helay qof aan is-dhaafsano, hada maxaan sameyaa?
Labadiinaba adiga iyo qofka aad is-dhaafsaneysaan waa in aad codsataan aadna ka heshaan amar ninka hantida iska leh inta aadan howsha is-dhaafsiga bilaabin. Waa labadiinaba in aad buuxisaan foomka codsiga, mid anaga aad noo keeneysid iyo mid aad siineysid qofka aad is-dhaafsaneysaan gurigiisa ninka iska leh.
Aniga waan dhiibay foomka codsiga, hada maxaa dhacaya?
Adiga waxaa kula soo xiriiraya sarkaalka guryahaaga iyo laga yaabo qofka aad is-dhaafsaneysaan gurigiisa ninka iska leh in ow kula soo xiriiro ee uw rabo in uw ku soo booqdo. Markii lagu soo booqdo gurigaagga waa la baarayaa. Hadii ey jiraan wax dhibaato guriga ow qabo, su xun aad u is ticmaashay ama aad dayacday, adiga waxaa lagu dhihi doonaa hagaaji in ta anaan la’bilaabin howsha is-dhaafsiga ka hor.
Ma,diidi kartaan is-dhaafsiga wadaagis ah?
Sababta keliaya ee aan u diidi karno amarsiinta is-dhaafsiga waxey ku qorantahay Sharciga Degaanka 1985. Waa siyaaba soo socda:
Sabata 1- Ijaartaha ama qofka ey is-dhaafsanayaan la’siiyay amarka guriga laga ceshanaayo ayaga ka soo horjeeda (possession order).
Sababta 2 - Ijaartaha ama qofka ey is-dhaafsanayaan la’siiyay ogeysiinta guriga laga ceshanaayo (Notice of Seeking Possession), ama howshii ey bilaabatay.
Sababta 3 - Ijaartaha ama qofka ey is-dhaafsanayaan ku degan gurigaas intii loogu tala galay- in ka yar ku degan yahiin guriga ey rabaan in ey is-dhaafsadaan.
Sababta 4 – Guriga kuma haboona qofka ee ijaartaha ey is-dhaafsanayaan matalan, waa mind aad u weyn.
Sababta 5 – Kirada laga kireyay ijaartaha hada degan waxey ku xirantahay shaqadiisa ama shaqadeeda, ama ma’ahan wax ku lifaaqa kuwa guryaha - matalan ilaaliaha, ee degan skoolka gurigiisa.
Sababta 6 – Qofka milkiyada sadaqo ayuu ku dejiyay teeda kale qofka ijaartaha waxow rabo is-dhaafiska isma keenayaan xaga sadaqada.
Sababta 7, 8 iyo 9 – Aqalka kuma haboono qafka rabo in ow is-dhaafsado sababtoo ah qofkii hore u deganaa ayaa u baahanaa taageeroyin loo habeyay ee qofkan uwsan u baahnayn.
Sababta 10 – Hantidan waxey ka mid tahay maamulayasha ee wada shaqeynta ee qofka rabo is-dhaafsiga owsan ogoleyn in uw ku biiro.
Ilaa meeqo ayay qaadaneysaa inta go’aanka laga gaarayo?
42 maalmood ka dib markii aan helno labada foomba codsiga ey na soo gaaraan.




