Waxay dhibaato iga haysataa deriskayga, maxaan sameeyaa?
Fadlan la xiriir Sarkaalka Guriyeynta si aad arrinkaan ugala hadasho. Waxaan kugula talin doonnaa in aad isku daydo aadna arrinta la xalliso deriskaaga marka ugu horreysa maadaama laga yaabo iney taasi dhibaatada xalliso. Si kasta ha ahaatee haddii aad nala soo xiriirto, waxaan kaa qori doonnaa faahfaahinta la xiriirta oo dhan ka dibna tallaabada ku habboon ayaan ka qaadi doonnaa. Tani waxaa laga yaabaa iney ku lug yeelato booqashooyin, warqado, dhex-dhexaadin ama xitaa tallaabo sharci ah. Waxaan si kastaba ha ahaatee ixtiraami doonnaa wixii baahi kalsooni ah ee aad qabto. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo inaad xafidato xusuus qor ku saabsan waxa dhacaya. Waxaad codsan kartaa nuqulka warqaddeenna qoran ee loo yaqaanno "La Tacaalidda Maalaayacniga".





