Sidee ayaan u bixiyaa kirdayda?
Waxaad sameysan kartaa lacag si toos ah lagaala baxo ama dalabka taagan - fadlan la xiriir 0845 270 1088 ka dibna weydiiso inaad la hadasho xubin ka tirsan shaqaalaha Waaxda Maaliyadda. Waxaan diyaarin karnaa tas-hiilaad turjumid haddii aad u baahan tahay.
Si ka duwan waxaan kuu soo saari karnaa kaarka ‘Bixi Dhammaan (Allpay)'. Kaarkaan waxaad isaga bixin kartaa kirada oo lacag caddaan ah, jeeg ah ama kareedit kaar waxaadna ka bixinaysaa bar lacag bixin, xafiis boost adigoo telefoon u diraya ama bartooda internetka. Allpay wuxuu sidoo kale kuu oggolaanayaa inaad ku bixiso fartiinta telefoonka gacanta lagu qoro.
Waxaad sidoo kale kirada isaga bixin kartaa khadka internetka ama jeeg, lacag caddaan ah ama adigoo isticmaalaya telefoonka gacanta.
Haddii aad qaadatid Faa'idada Guriyeynta, fadlan xaqiiji inaad si degdeg ah ula macaamilootid waaxda Faa'iidada Guriyeynta si markasa ay lacag bixinta kuugula ratibaan Kooxda Guriyeynta Chevin - kuwaan waxay lacagta nagu siiyaan afartii toddobaadba mar iyadoo qalad ku jiro.
Waxaan sidoo kale ku siin karnaa Xafiisyo Faa'iido Guriyeyn oo fara badan.





