Muddo intee leeg ayaan guri sugi doonaa/ miyuu liiska sugeyaashu dheer yahay?
Way adag tahay in taas laga jawaabo. Waxay ku xiran tahay heerka aad kaga jirto liiska sugeyaasha - haddii si kale loo dhigo sida aad guri ugu baahan tahay - waxayna ku xiran tahay haddii guri kugu habboon la banneeyo iyo tirada dadka gurigaas raba. Waxaad isaga yarayn kartaa waqtiga sugidda adigoo diyaar u ah in aad ku noolaato noocyo guri oo farabadan degaan sii ballaaran ama xaafado dheeraad ah. Sidaas waxaa kugu kordhin doonta fursadda guri kugu habboon oo soo baxa.
Liisaska sugeyaashu waxay u kaladuwan yihiin guryaha kaladuwan iyo xaafadaha kaladuwan waxayna ku xiran yihiin sida xaafadda loo rabo iyo tirada dadka iyada ka guura. Fadlan xusiisnow xaga Gurya raadinta waxaa isticmaali kartaa “fursada tan ugu wanaagsan” adoo shaandhaynaaya kuwa nidaamka ee adiga aad haysatid waqtiga sugisteeda ey yar tahay.
Adiga waxaa laga yaabaa in aad aragtay guryaha qaarkood laga xiray liiska sugeyaasha – hdadii aanan xirin liiska qaarkiis waxey noqonayaan foomamka dad soo codsaday ayaa aad u badanaya. Anaga ujeedadeenu waa dadka in aan siino aqal 2 sano gudahoodda ee markey ey foomkeena soo buuxsadeen. Dadka qaarkood waxaa guri loo sii doonaa si waqtigaas ka dhakhso badan.
Ma sheegi karno halka qofku uu kaga jiro liiska sugeyaasha. Marka keliya ee aannu taas daabici karno waa marka guri soo baxo. Sarkaalka Guryeynta (Housing Officer) ayaa markaa baari doona liiska sugeyaasha waxuuna la xiriiri doonaa dadka ku jira si uu ugu qabto ballmo lagu waraysto.




